Sunday, October 12, 2008

Abaarta iyo Dhibaatada haysata Galgaduud dadka degan

Inkastoo maanta oo ah 12 okt. 08 uu cabudwaaq roob ka da'ayo, ilaahay mahadi, hadana waxaa jirta dhibaato ay ka tagtay abaartii ku dhufatay dhulkaas oo dad badan ay ku xoolo beeleen oo aan maanta haysan wax ay cunaan. Waxaana wararku sheegayaan inay shuban iyo nafaqo la'aan u dhimanayaan. Waxaa maanta fundraising telefonka ah sameeyey dad ka naxay dhibkaas ilahay kheyr ha ka siiyo. Dadka shirka ka soo qaygalay waxay kaloo la isla arkeen in loo baahan yahay qof walba oo muslim ah khaas ahaana kuwa u dhashay ehelkaas dhibku haysto inay ka qaybqaataan.

Waxaa warbixino iyo waano ka soo jeediyey Sh. Nasteex, Sh. Cabdirashiid iyo dadkale oo badan oo ku jirey khadka teleefanka, waxayna dadka u sheegeen in loo baahan yahay arrintan qof walba inuunan qof kale ku halayn. Hadii aad degan tahay USA la xiriir degmada aad degan tahay ehelka degan kana qaybqaado. Hadii aadan helin qof kuugu dhow la xirii reer Minneapolis. hadaad degan tahay minnesotana sidoo kale la xiriir gudiga hoose.

Faadumo Cabdisalaam telf: 612-227-1290
Sagal Guure :612-483-1333
Fadumo Sudi :612-245-5281


Masawirada dhakhtarka Cabudwaaq iyo dadka soo qaxay http://www.allwadani.com/allwadani%20newsdesk_copy(1311).htm
Gargaark abaarta http://www.allwadani.com/allwadani%20newsdesk_copy(1286).htm

No comments: